Ilo-wareedyo ku sugan Jabuuti ayaa xaqiijinaya in Ergada Isbahaysiga Tuulada Asmara ay u kala saften laba garab kuwaasi oo qeyb ka mid ah uu hogaaminayo Prof. Ibraahim Xasan Cadow halka dhinaca kalena uu hogaaminayo C/raxmaan Dheere
FLIB FLOB SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED OO SHACABKA SOOMAALIYEED AY AAD UGA NIYAD JABEEN KA DIB WARAYSIGII UU SIIYAY IDAACADA QARANDIIDKA AH EE BBC LAANTEEDA AFKA SOMALIGA
Akhristaha qiimaha iyo qaayaha lahow waxaa aad iyo aad u naxdin badan Waraysigii uu siiyay sh shariif idaacada bbc waraysigaasoo shariifka uu yusuf garaad weydiiyay sida uu arko shirka la isku soo horfariisinayo iyaga iyo DFKS taasoo uu ku yidhi wax dowlad ah oo jirta ma arko waxaa dalka xoog ku qabsaday dowladda Ethiopia iyo niman dhiigyo cab ah oo la soo kiraystay meeshana uma an imaan inaanu iyaga la hadalno.
Ciidamada Itoobiya ayaa maanta hub ka dhigis ku sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed, kadib amar ka soo baxay Dawlada Faderaalka.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen in hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan inaysan la hadlayn Dowladda Somaliya uu ku yimid hanjabaad ay Eritrea u gudbisay Sheekha, waxaana jira kala jabnaan u dhexeysa xubnaha Isbahaysiga Tuulada Asmara.
Iyadoo dhawaanahanba ay soo if baxayeen warar sheegayay in is bahaysiga Qaran diidka uu hogaamniyo Mr Afwarki ku amray in aanay dowladda Soomaaliya wada hadal la gelin ayaa hogaamiyaha qarandiidka Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ka dhawaajiyay in aanay wax wada hadal ah la galeynin dowladda federalka Soomaaliyeed.
Wufuud kasocota beesha caalamka ayaa ku soo qulqulaya magaalada jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti si ay kaga qeyb galaan wada hadalada nabadeed ee maanta ay suura galka tahay dowladda Soomaaliya iyo is bahaysiga mucaaradka in ay u furmaan.
Maxamed Dheere oo sida ugu dhaqsiyaha badan lagu faray in Hubkiisa uu ku wareejiyo Gudiga amaanka qaranka, kadib qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysalwasaaraha (Halkan Ka Akhriso Qoraalka)
Afyaheenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Cumar Ibraahim (Shac Shac) oo saaka saxaafada la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyay khasaaraha ay argagixisada ku gaarsiiyeen ciidanka boollisku dagaal shalay gellinkii dambe ka dhacay wadada Maka Al Mukarama.
Iska horimaadyo dhexmaray ciidamada dawladda Soomaaliya & Kooxaha argagaxisda gafuurka duubato ee ka soo horjeeda ayaa ka dhacay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, kuwasoo ay soo qaadeen Kooxaha argagaxisada ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socda olole ka dhan ah Xukuumada Raysal Wasaare Nuur Xasan Xuseen.
Dagaalo xoog leh ayaa lugu qaaday Saakadii hore ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,waxaana weerarkaasi soo qaaday Kooxaha gafuurka duubato ee ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Tan iyo markii 1-diibishan ciidamada Mareykanku ay duqeymo ku dileen AlZarqaawigii Soomaaliya ahaana wakiilkii Al-Qaacida ee dalkan waxaa soo if baxayay warar la isla dhex marayo oo ku saabsan siyaabaha loo dilay iyo meelaha loo soo maray, iyo waliba cida gacanta ku siisay Amerikaanku in ay guushaa gaaraan.